Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama iyo Marwadiisa Michelle Obama ayaa si adag uga hadlay dilka Alex Pretti, kaas oo ciidamada Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka ee (ICE) ay ku toogteen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Bayaan ay wadajir ah usoo saareen, Barack Obama iyo Michelle Obama ayay dilkaasi ku tilmaameen mid “musiibo qalbi jab leh”, iyagoo sheegay in dhacdadani ay tahay digniin culus oo ku wajahan dhammaan dadka Mareykanka, iyadoon loo eegin aragti siyaasadeed.
Sidoo kale, waxay sheegeen in toddobaadyadii lasoo dhaafay ay isa-soo taraysay muuqaallo muujinaya askar ka tirsan ICE oo wajiyada duubtay, kuwaas oo si arxan darro ah ula dhaqmaya shacabka, islamarkaana adeegsanaya habab lagu cabsi gelinayo dadka, taasoo khatar ku ah bad-baadada muwaadiniinta ku nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka.
Obama iyo Michelle ayaa ku eedeeyay maamulka madaxweyne Donald Trump inuu xaaladda sii hurinayo, iyagoo xusay in toogashooyinkii dhacay aan wax baaritaano dhab ah lagu sameyn, arrintaas oo si cad uga hor imaaneysa caddeymaha muuqaalka ah ee ku faafay baraha bulshada.
Waxay sidoo kale tilmaameen in ficilladan ay weerar ku yihiin qiyamka aasaasiga ah ee Mareykanka, ayna muujinayaan hoos u dhac ku yimid isla xisaabtanka hay’adaha fulinta sharciga.
“Tani waa inay joogsataa,” ayay ku soo gabagabeeyeen bayaankooda, iyagoo ku baaqay in la helo caddaalad, isla xisaabtan iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo marwadiisa Michelle Obama ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhalatay dilka Alex Pretti, taasoo dhalisay caro ballaaran iyo baaqyo lagu dalbanayo in si madax-bannaan loo baaro falkaasi.