Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday inaanu marnaba oggolaan doonin in hawadiisa, dhulkiisa ama biyihiisa badeed loo adeegsado wax tallaabo militari ah oo ka dhan ah Iiraan, taas oo muujinaysa mowqifkiisa dhex-dhexaadnimada iyo sida uu uga go’an yahay ilaalinta xasilloonida gobolka.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee ayaa lagu sheegay in Imaaraadka Carabta uusan marnaba bixin doonin wax taageero ah oo lagu fullinayo howlgallo militari cadowtinimo ah oo ka dhan ah dalka Iiraan, iyadoo u hoggaansamaysa sharciga caalamiga ah iyo ixtiraamka madax-bannaanida dalalka ay tiirarka yihiin.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in “ciidan badeed ballaaran” oo Mareykan ah uu ku wajahan yahay galbeedka Aasiya, kaas oo diiradda lagu saari doonno dalka Iiraan.
Dhinaca kale, shir jaraa’id uu dhawaan qabtay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei ayuu ku sheegay in Iiraan ay bixin doonto jawaab dhammaystiran oo laga shallaayi doono, haddii wax gardarro ah lagu soo qaado.
Si kastaba ha ahaatee, bayaankan uu soo saaray Imaaraadka Carabta ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli jiraan xiisado u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka, taas oo ka dhalatay mudaaharaadyadii dhawaan ka qarxay guud ahaan dalkaasi Iiraan.