Booliiska oo maanta xabsiga kasii daayay la-taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland

Booliiska Soomaaliya oo xabsiga kasii daayay la-taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta xabsiga kasii daayay Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ah la-taliyaha madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni, kaddib markii xalay laga kaxeystay Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan booliiska ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday Hotelka uu deganaa Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, kadibna u kaxeystay xarun ay booliisku leeyihiin.

Xarigga mas’uulkan ayaa si degdeg ah u soo jiitay indhaha siyaasiyiinta iyo bulshada, iyadoo ay soo baxeen walaacyo la xiriira sababta rasmiga ah ee loo xiray.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa la sheegay inuu faragelin ku sameeyay arrintaasi, waxaana amar lagu bixiyay in la sii daayo Axmed Cabdi Maxamuud Hurre.

Mas’uulka la sii daayay ayaa dib loogu celiyay Hotelka Airport oo ah goobtii markii hore laga kaxeystay ee uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka ayaa si kulul uga hadlay xariggaasi, iyagoo ka digay cawaaqib siyaasadeed oo ka dhalan kara haddii mas’uuliyiin siyaasadeed lagu beegsado xarigyo ay ku tilmaameen kuwo sharci darro ah.

Mucaaradku waxay sheegeen in tallaabadaasi ay sii kordhin karto xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Wararka qaar ayaa sidoo kale tilmaamaya in cadaadis siyaasadeed oo ka yimid dhinacyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta kale uu door ku yeeshay in si degdeg ah loo sii daayo Axmed Cabdi Maxamuud Hurre.

Dhacdadan ayaa mar kale soo bandhigtay dood ku saabsan doorka ay hay’adaha amniga, gaar ahaan Booliiska Soomaaliya, ku leeyihiin arrimaha siyaasadda dalka.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in ciidamada ammaanku ay mararka qaarkood si toos ah ugu dhex milmaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka, arrin ay sheegeen inay wiiqi karto kalsoonida shacabka ee hay’adaha amniga.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya oo si cad u faah-faahinaya sababta keentay xarigga Axmed Cabdi Maxamuud Hurre iyo sababta saacado kadib loo sii daayay.