Baarlamaanka oo si rasmi ah u ansixiyay wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka dastuurka dalka

Baarlamaanka oo si rasmi ah u ansixiyay wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka dastuurka dalka

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Federaalka, kadib kulan ay wada yeesheen xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in dastuurka la dhammaystiray uu si rasmi ah u dhaqan galay laga bilaabo maanta, kaddib markii ay xildhibaannadu u codeeyeen qodobada wax-ka-beddelka ee la horgeeyay Baarlamaanka.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ansixinta dastuurkan ay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dhammaystirka nidaamka dowladnimada iyo hirgelinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa 185 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 senator oo ka socday Aqalka Sare. Xubnahan ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay qodobada lagu sameeyay wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka dastuurka.

Dhanka kale, geeddi-socodkan lagu dhammaystirayo dastuurka ayaa wajahaya dhaliilo iyo diidmo ka timid qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda. Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u muujiyay diidmo ay ka qabaan habka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka, iyagoo sheegay in aan si buuxda loogu salayn wadatashi siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Sidoo kale, qaar ka mid ah mucaaradka siyaasadeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay habraaca lagu ansixiyay qodobadan mid aan loo marin wada-tashi qaran oo dhameystiran, taasoo ay sheegeen inay dhaawici karto isku-duubnida siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Baarlamaanka ayaa ku adkeysanaya in dhammaystirka dastuurka uu yahay marxalad muhiim ah oo dalka ka caawin karta xoojinta nidaamka federaalka iyo dhismaha dowlad shaqeynaysa oo ku dhisan sharci iyo hay’ado dastuuri ah.