Ciidanka kumaandooska ee Danab oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayd gobolka Baay

Ciidanka kumaandooska ee Danab oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayd gobolka Baay

Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo iyo goobo ay Al-shabaab u adeegsan jirtay dhaqdhaqaaqyadeeda.

Howlgalka ayaa laga fuliyay deegaannada Buur Aylo, Jameeco, Durdur iyo Saaxweyne, waxaana iska kaashaday Ururrada 161-aad, 164-aad iyo 165-aad ee guutada 16-aad kumaandooska Danab.

Ciidamada Danab oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayd gobolka Baay
Ciidamada Danab oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayd gobolka Baay

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay bartilmaameedsadeen xarumo iyo fariisimo ay Al-shabaab ku lahayd goobahaasi, kuwaas oo ay adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta falal amni darro, iyadoona ciidamada ay gebi ahaanba burburiyeen goobahaas.

Ciidamada Danab oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayd gobolka Baay

Ugu dambeyn, taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda iyo dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee gobolka Baay iyo deegaannada ku hareeraysan.

Ciidamada Danab oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayd gobolka Baay
Ciidamada Danab oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayd gobolka Baay

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollo kala duwan, iyadoo taliska ciidanku uu sheegay in howlgaladaan militari uu sii socon doono ilaa dalka laga ciribtirayo kooxda Al-shabaab.