Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal militari oo qorsheysan kaddib la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/dhexe, halkaas oo horey ugu dhuumaalaysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Dadka deegaanka Xawaadley oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka, kaddib iska horimaad kooban oo dhex maray iyaga iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, taasoo ugu dambeyn sababtay in kooxdaasi ay halkaasi isaga baxaan.
Ciidamada xoogga dalka ayaa haatan wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo sidoo kale la sameynayo baaritaanno iyo howlgallo lagu sifeynayo deegaanka Xawaadley iyo deegaanada kale ee ku dhow, si looga hortago khataro amni.
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada militari ee ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka wadaan gobolka Sh/dhexe, iyadoona dowladda ay dhowaan halkaasi geysay ciidamo dheeraad ah oo loogu talagalay xoojinta amniga iyo ka hortagga weerarro ay Al-shabaab ka fuliyaan gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo ujeedadu tahay in laga saaro deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.