Banaanbaxayaal ka caraysan sare u kaca qiimaha shidaalka oo xirtay wadada Maka Al-Mukarrama

Banaanbaxayaal ka caraysan sare u kaca qiimaha shidaalka oo xirtay wadada Maka Al-Mukarrama
Banaanbaxayaal ka caraysan sare u kaca qiimaha shidaalka oo xirtay wadada Maka Al-Mukarrama

Banaanbaxayaal ka caraysan sare u kaca qiimaha shidaalka ayaa xirtay wadada Maka Al-Mukarrama ee bartamaha magaalada Muqdisho, taas oo sababtay in hakad ku yimaado isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee ka socday waddadaas oo ka mid ah halbowlayaasha ugu muhiimsan magaalada.

Banaanbaxa ayaa waxaa hormuud ka ahaa darawallada mootooyinka bajaajta, kuwaas oo tiro badan isugu soo baxay waddada si ay uga muujiyaan cabasho ku saabsan kororka ku yimid qiimaha shidaalka ay ka iibsanayaan ganacsatada.

Darawallada ayaa sheegay in qiimaha shidaalka uu si lama filaan ah kor ugu kacay maalmihii lasoo dhaafay, taas oo si weyn u saameysay shaqadooda maalinlaha ah iyo dakhliga ay ka helaan adeegga gaadiidka ay shacabka u qabtaan.

Qaar ka mid ah darawallada mudaharaadayay ayaa sheegay in shaqadoodu si buuxda ugu tiirsan tahay shidaalka, isla markaana kororka qiimaha uu ka dhigay mid adag inay sii wataan shaqadooda haddii aan xal laga gaarin. Waxay tilmaameen in dakhliga ay helaan uusan dabooli karin kharashaadka shidaalka, dayactirka gaadiidka iyo baahiyaha kale ee nolosha.

Isu soo baxa darawallada ayaa sababay ciriiri weyn oo gaadiid iyo hakad ku yimid isu socodkii gaadiidka ee waddada Maka Al-Mukarrama. Gaadiid badan oo dadweyne iyo kuwo gaar loo leeyahay ayaa ku qasbanaaday inay leexdaan ama isticmaalaan waddooyin kale si ay uga fogaadaan goobaha ay mudaharaadyadu ka socdeen.

Kororka qiimaha shidaalka iyo gaaska ayaa maalmihii u dambeeyay noqday arrin si weyn looga hadal hayo magaalada Muqdisho, maadaama ay saameyn ku yeelatay adeegyada gaadiidka dadweynaha, ganacsiyada yaryar iyo dhaqdhaqaaqa guud ee magaalada. Ganacsiyo badan iyo darawallo gaadiid ayaa cabasho ka muujiyay sicir-bararka ku yimid shidaalka oo si toos ah u saameynaya kharashaadka shaqadooda.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ama ganacsatada shidaalka oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay kororka qiimaha shidaalka ama tallaabooyinka la qaadi karo si loo xakameeyo sicirka sare u kacay.

Dhinaca kale, darawallada bajaajta ayaa ku adkeysanaya inay sii wadi doonaan banaanbaxyada iyo cabashooyinka ay muujinayaan ilaa laga helo xal cad oo wax ku ool ah oo lagu dejinayo qiimaha shidaalka.

Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen dowladda federaalka iyo ganacsatada shidaalka inay si degdeg ah uga jawaabaan cabashadooda, si looga hortago in xaaladdu ay sii xumaato oo ay saameyn weyn ku yeelato gaadiidka iyo nolosha dadka magaalada Muqdisho.