Ciidamo badan oo maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Ciidamo aad u badan oo maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho
Ciidamo aad u badan oo maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho

Waxaa maanta tababar ciidan loo soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo muddooyinkii u dambeysay tababar uga socday xarunta kulliyadda tababarka ciidamada ee TURKSOM oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ciidankaasi tababarka loogu soo xiray ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada ciidanka, kuwaas oo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa ciidankaasi faray inay si dhab ah u gutaan waajibkooda ah illaalinta midnimada, wadajirka iyo madax-bannaanida qaran ee dalka, si looga difaaco cadowga gudaha iyo kan dibadda ee kasoo horjeeda horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay ciidankaasi inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, islamarkaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen, si loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka difaac-nafsiga, taasoo muujinaysa heerka diyaargarow ciidan iyo tayada tababarka ay qaateen.

Si kastaba ha ahaatee, ciidankaan ayaa la sheegay inay ku biireen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay difaacaan dalka islamarkaana ay cirib tiraan argagaxisadda kusoo duushay dalka Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi oo khudbad u jeedinayo ciidanka tababarka usoo dhamaaday
Axmed Macalin Fiqi oo khudbad u jeedinayo ciidanka tababarka usoo dhamaaday
Ciidamo aad u badan oo maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho
Ciidamo aad u badan oo maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho