Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul-Qeyd ayaa si adag u cambaareeyay booqashada wasiirka arrimaha dibadda ee Israel Gideo Sa’ar uu maalintii shalay ku tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Xoghaha ayaa booqashadaas ku tilmaamay isku day fashilmay oo lagu doonayo in lagu meel-mariyo tallaabada Israel ee aqoonsiga gooni-isu-taagga Somaliland ee ku taalla waqooyi-galbeed Soomaaliya, taas oo ka baxsan dowladnimada Soomaaliyeed.
Wuxuu sidoo kale qeexay in tallaabooyinkan ay si cad u jebinayaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, ayna sii hurinayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.
Dhinaca kale, afhayeenka xoghayaha guud Jamaal Rashiidi, ayaa isna sheegay in tallaabadan oo si caalami iyo carab ahaanba loo diiday, lana cambaareeyay islamarkaana ay golaha Jaamacadda Carabta ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin islamarkaana aan marnaba la aqbali karin.
Wuxuu intaas kusii daray inuu jiro walaac ku saabsan isku dayo lagu fududeynayo qorshayaal lagu barakicinayo shacabka Falastiin, iyo in dekedaha Soomaaliya loo adeegsado dhisidda saldhigyo ciidan.
Ugu dambeyntii jaamacadda Carabta ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo ee ay siiso hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, si looga hortago isku day kasta oo lagu abuuro meelo khilaaf cusub ah islamarkaana wiiqi kara xasilloonida iyo midnimada dalka.