Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal kooban uu ka dhacay gudaha magaalada, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen xero ay deggan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
Xerada la weeraray oo ku taalla xaafadda Towfiiq ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inuu ka dhacay dagaal kooban oo dhex maray ciidamada ku sugnaa xerada iyo kooxihii weerarka soo qaaday.
Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa la rumeysan yahay inay yihiin ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kuwaas oo dhawaan sheegay inaysan marnaba joojin doonin dagaalka ay kula jiraan maamulka cusub iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hub aad u culus, taas oo cabsi iyo welwel ku abuurtay shacabka ku nool xaafadaha ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarka lagu soo qaaday xerada ay ku sugnaayeen ciidamadooda iyo khasaaraha ka dhashay.