Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), ayaa digniin adag u jeediyay dadka ku nool gobolka Hiiraan ee la shaqeeya kooxda Al-shabaab ama qaata awaamiirteeda.
Taliyaha ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay si toos ah ama si dadban ula shaqeyneyso Al-shabaab, isagoo xusay in taageeridda kooxda, gudbinta xogta ama fulinta amarradeeda ay khatar ku tahay amniga shacabka iyo dowladda.
Korneyl Cali Cagey ayaa si gaar ah uga digay dadka ku nool deegaannada ay dowladda maamusho ee gobolka Hiiraan kuwaas oo xiriir la sameeya Al-shabaab, isagoo sheegay in ciidamada ammaanku ay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah cid kasta oo lagu helo arrimahaas.
Wuxuu sidoo kale sheegay in aan la aqbali doonin dadka ka baxa magaalooyinka waaweyn ee ay dowladda maamusho, kadibna taga deegaannada ay Al-shabaab ka taliso ama la falgala kooxda, isagoona sheegay in dadka lagu helo arrintaas ay wajihi doonaan tallaabooyin adag, oo ay ku jiraan in lala wareego hantidooda sida guryaha.
Ugu dambeyn, taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Hiiraan inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, kana fogaadaan wax kasta oo taageero u noqon kara Al-shabaab, isagoo xusay in howlgallada lagu sugayo amniga gobolka ay sii socon doonaan.