Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Farsooley ee gobolka S/hoose, halkaas oo ay ku beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo goobo hubka lagu keydiyo.
Howlgalka ayaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoo mid ka mid ah uu isku qarxiyay walxaha qarxa ee uu watay, hase ahaatee, ciidanka Danab ayaan wax khasaare ah kasoo gaarin qaraxaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu sababay inuu dab xooggan qabsado dhismayaal ay ku keydsanaayeen hub iyo agab ciidan, taas oo keentay burburka keydkii hubka ee halkaas yaallay.
Saraakiisha dowladda ee howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in horjoogeyaasha Al-shabaab ay ka baxsadeen goobta markii ay ogaadeen in ciidanka Danab ay gaareen aagga howlgalka.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga dalka laguna ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda, kuwaas oo saameyn ku leh amniga shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, saraakiisha ciidanka Danab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxahaas Al-shabaab, ilaa laga xaqiijinayo amni iyo xasillooni buuxda oo ka hana qaada guud ahaan dalka.