Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kaga qeyb galay xafladda caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kaga qeyb galay xafladda caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub, isagoo bogaadiyey habsami u socodka doorashooyinkii ka dhacay degmooyinka Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo taariikhi ah oo ku saleysan hannaanka dimuqraadiyadeed.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu uu saldhig u yahay xasilloonida, amniga iyo horumarka dalka, isagoo xusay in doorashooyinka nabdoon ee ka dhacay Koonfur Galbeed ay muujinayaan jihada cusub ee Soomaaliya u qaadayo dhanka dowlad-dhiska.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dalka uu ka gudbay xilligii ay doorashooyinku ku koobnaayeen dano gaar ah iyo siyaasado shaqsi ku salaysan, isaga oo tilmaamay in haatan loo gudbay hannaan dimuqraadi ah oo shacabka ay door ku leeyihiin doorashada hoggaankooda.

Si kastaba ha ahaatee, munaasabadda caleemo-saarka ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, danjireyaal, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Baydhabo iyo goobta ay munaasabaddu ka dhacaysay.