Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa si adag uga hadlay wadahadalladii fashilka ku dhamaaday ee u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen wakiillo ka socday beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.
Deni ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ay muujiyeen tanaasul siyaasadeed iyo dabacsanaan la xiriirta sidii xal looga gaari lahaa khilaafka taagan, balse dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya aysan ka muuqan wax isu soo dhawaansho ah, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska ay isaga baxeen shirkii, kadib markii ay ku qanci waayeen jihada uu u socday wada-hadalku iyo rajada laga qabay in heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo.
Deni wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalka kala gooynayo islamarkaana gelinayo xaalad siyaasadeed oo halis ah, isaga oo ku baaqay in laga hortago tallaabooyin uu sheegay inay dhaawici karaan xasilloonida iyo wadajirka dalka.
“Waxa dalka kala gooynayo oo gelinayo xaalad halis ah waa Xasan Sheekh, waan in dalka laga qabto, wuxuu ku socdaa waddo qaldan” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni
Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, taas oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay ku qabteen Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaate, wadahadalladii u dambeeyay ee ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad la’aan, iyadoo dhinacyadu isku mari waayeen qodobbada la xiriira hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo maamulka marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka.