Sheekh Shariif oo si adag uga jawaabay hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh

Sheekh Shariif oo si adag uga jawaabay hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in muddo-xileedkiisu ku egyahay 15-ka May ee sanadka 2027.

Sheekh Shariif oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalinta 15-ka May iyo aas-aaska ururka SYL oo ay mucaaradku ku qabteen Hoteel Jazeera, ayaa ku dooday in muddo-xileedka madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday, islamarkaana uusan sii haysan karin xilka.

“Waxaa la yaab leh in qof PhD wata, oo laba jeer madaxweyne noqday, in laga kari la’yahay waqtigaada waa kaa dhammaaday doorashada kula heshii dadka, oo hadane ku doodaya inuusan waqtigiisa ka dhammaan” Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradku ay kasoo horjeedaan qorshaha dowladda ee la xiriira muddo-kordhin iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo aan laga gaarin heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheekh Shariif u arko siyaasiga ugu weyn ee caqabadda ku ah qorshihiisa la xiriira muddo-kordhinta iyo hirgelinta hannaanka cusub ee doorashooyinka qof iyo codka ah.

Ugu dambeyn, banaanbixii dhacay 10-kii bishaan ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kadib markii ciidamo badan la geeyay agagaarka hoyga Sheekh Shariif Sheekh Axmed, arrintaas oo mucaaradku ku tilmaameen cadaadis siyaasadeed iyo isku day lagu cabsi gelinayo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadaaas siyaasadeed ayaa haatan gashay marxalad aad u xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo in dalka uu galo qalalaase siyaasadeed haddii aan la helin go’aan mideysan oo ku saabsan doorashooyinka iyo maamulka marxaladda kala-guurka ah ee dalka.