Diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku burburay hawada Kuwayt

Diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku burburay hawada Kuwayt

War kasoo baxay Taliska Dhexe ee Ciidammada Maraykanka ee Bariga Dhexe (CENTCOM) ayaa lagu xaqiijiyey in saddex diyaaradood oo dagaal oo ah nooca F-15E Strike Eagle ay ku burbureen hawada Kuwayt, kadib markii si khalad ah ay u rideen nidaamyada difaaca cirka ee dalkaasi.

Sida lagu sheegay warbixinta taliska, diyaaradaha ayaa ku jiray hawlgallo militari oo ka socday gobolka xilli ay dhacdadu dhacday, waxaana inta lagu guda jiray hawlgalkaasi si khalad ah u bartilmaameedsaday nidaamyada difaaca cirka ee Kuwayt, kuwaas oo ridey diyaaradaha Maraykanka.

Mas’uuliyiinta milatariga Maraykanka ayaa sheegay in dhammaan lixdii duuliye ee saarnaa diyaaradaha ay ku guuleysteen inay si degdeg ah uga baxaan diyaaradaha iyagoo adeegsanaya baarashuud.

Duuliyeyaasha ayaa markii dambe si nabad ah loo soo badbaadiyey, iyadoo la xaqiijiyey in xaaladdoodu ay deggan tahay.

Dhinaca kale, muuqaallo ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya mid ka mid ah diyaaradaha oo dab ka kacay ka hor inta uusan hoos u dhicin, iyadoona sidoo kale la arkay laba duuliye oo si baarashuud ah dhulka ugu soo degaya, kuwaas oo markaas kadib ay gargaar u fidinayaan kooxaha gurmadka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Kuwayt ayaa sheegtay in la bilaabay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo sababta keentay in diyaaradaha Maraykanka si khalad ah loogu soo rido hawada dalkaasi, taas oo diiradda lagu saari doonno sida ay u shaqeeyeen nidaamyada difaaca cirka iyo duruufihii militari ee jiray xilliga dhacdadu dhacaysay.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa xaqiijiyey in duuliyeyaasha laga soo badbaadiyey loo qaaday isbitaallo si loo hubiyo xaaladdooda caafimaad, iyagoo sheegay in xaaladdoodu ay deggan tahay.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadaha milatari ee Bariga Dhexe ay si weyn u sii kordhayaan, kaddib weerarro wadajir ah oo Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iiraan ayaa hore ku gooddisay inay weerari doonto saldhigyada iyo xarumaha milatari ee Maraykanka ku leeyahay dalalka Khaliijka, taas oo sii xoojisay cabsida laga qabo in colaadda ay ku fido guud ahaan gobolka.