Ciidamada xooga iyo AUSSOM oo la wareegay deegaanada Daarusalaam iyo Mubaarak

Ciidamada xooga iyo AUSSOM oo la wareegay deegaanada Daarusalaam iyo Mubaarak

Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidanka xooga dalka, oo kaashanaya ciidamada AUSSOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda, ay si rasmi ah ula wareegeen gacanta amni ee deegaanada Daarusalaam iyo Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo horey u ahaa xarumo istiraatiiji ah oo ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in hawlgalka, oo loogu magac daray “Hillaac”, uu qeyb ka yahay hawlgallada baaxadda leh ee ka dhanka ah Al-shabaab inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Hawlgalkan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobo ay Al-shabaab u adeegsan jireen cabburinta shacabka, oo ay ku jireen maxkamado sharci darro ah, xarumo ay ku dhuumaaleysan jireen hogaamiyeyaasha sare ee kooxda, iyo meelaha looga soo abaabuli jiray weerarro iyo qaraxyo ka dhan ah bulshada rayidka ah.

Ciidamadu waxay kooxda Al-shabaab gaarsiyeen jab xooggan, iyagoo burburiyay fariisimo iyo bakhaarro hub iyo saanad ciidan oo muhiim ah oo ay ku lahaayeen deegaanada la xoreeyay. Fariisimahan iyo bakhaaradan ayaa ahaa xarumo istiraatiiji ah oo kooxda Shabaab u adeegsan jirtay abaabulka weerarrada, tababarka dagaalyahannada, iyo kaydinta hubka.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen agab ciidan iyo dukumiintiyo muhiim ah, oo ay ku jiraan qorshayaal weerar iyo liisaska xubnaha kooxda, kuwaas oo muhiim u ah baaritaanka shabakadaha kooxda iyo isku xirka ay la leeyihiin goobo kale oo gudaha iyo dibadda dalka ka jira.

Ugu dambeyntii, ciidamada xooga ayaa si buuxda ula wareegay amniga goobaha la xoreeyay, iyagoo ka wadda hawlgallo sifeyn iyo xaqiijin ah si loo baacsado haraadiga Al-shabaab loona xaqiijiyo in bulshada deegaanka ku noolaato jawi amni oo deggan.

Si kastaba ha ahaatee, hawlgalladani waxay ka hortagayaan in kooxda Al-shabaab ay dib ugu soo laabtaan meelaha laga saaray, iyadoo la xoojinayo kalsoonida shacabka ee amniga gobolka, isla markaana laga hortagayo caburinta iyo hanjabaadaha ay kooxda hore ugu geysan jirtay bulshada.