Dowladdaha Malaysia iyo Indonesia ayaa noqday dalalkii ugu horeeyay ee sida rasmiga ah u xannibay Grok, chatbot-ka caqliga macmalka ah AI-ga ee ay sameysay shirkadda X-AI ee uu leeyahay Elon Musk, kadib markii ay ogaadeen in qalabkaasi si khaldan loo isticmaalay.
Labadaan dowladood ayaa si gaar ah uga walwalsan sawirrada ku saabsan haweenka iyo carruurta, taasoo keentay in la qaado tallaabooyinkaan adag ee xannibaadda ah, si looga hortago isticmaalka aan haboonayn ee qalabka AI–da.
Grok ayaa lagu eedeeyay inuu soo saaray sawirro galmo ah iyo sawirro aan oggolaansho lahayn, taasoo si cad u jebisay shuruucda anshaxa, amniga, iyo ilaalinta xuquuqda dadka.
Tallaabooyinkan ayaa ka turjumaysa walaaca caalamiga ah ee ku saabsan isticmaalka AI–da, gaar ahaan marka qalabka noocan ah loo adeegsado in si fudud loo abuuro sawirro iyo muuqaal been abuur ah oo aan anshax lahayn.
Sidoo kale, qalabkaan ayaa awood u leh inuu kusoo saaro sawirro iyo muuqaallo oo muuqaal ahaan u eg kuwa dhabta ah, taasoo suurtogal ka dhigaysa in si fudud loo abuuro sawirro galmo ah ama codad been abuur ah, kuwaas oo noqon kara kuwo khatar ah.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinka ay Malaysia iyo Indonesia qaadeen ayaa muujinayaa mid looga hortagayo isticmaalka AI-da, sida khaldan loo isticmaalo, si looga hortago khaladaadka iyo xadgudubka ka imaan kara aaladahaas, kuwaas oo awood u leh inay abuuraan sawirro iyo codad been abuur ah oo aan oggolaansho lahayn.