Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni oo kullan la qaatay dhalinyarada deegaanadaasi ayaa markiisii ugu horeeysay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan khilaafaadka iyo midnimada Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay Israel dhawaan aqoonsatay Somaliland.
Madaxweyne Deni oo sida la ogsoon yahay aan xiriir wanaagsan la lahayn madaxda haatan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Puntland aysan necbeyn Soomaaliya inteeda kale, balse ay weysay dowlad ama maamul ay kula shaqeeyso mabaadi qaran iyo xeerarka dalka u yaalla.
“Dowladda federaalka ee hadda dalka ka jirta, ma ahan dowlad ku dhaqanta sharcigii iyo qawaanintii Puntland qeybta ka ahayd ee lagu heshiiyay, taasi macneheedu ma ahan dowladda Soomaaliya iyo dadka koonfurta jooga inaa nacnay, waa dadkeeni waana ehelkeena, laakiin maamulka hadda joogga waa maamul kala qeybin, isku dir iyo dhibaato ka shaqeeynaya ee ma ahan mid ka shaqeeynaya midnimada” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni.
Wuxuu madaxweyne Deni sidoo kale sheegay in midnimada Soomaaliya aan marnaba lagu keeni karin aflagaado iyo hanjabaad oo uu ula jeeday hadallada madaxda federaalka Soomaaliya ay hawada u mariyaan madaxda Somaliland, isagoo tilmaamay inay taasi sii kordhinayso kala fogaansho.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay ka qeyb gasho wada-hadallada nabadeed ee lagu baaqay inuu dhaco 20-ka bishaan, balse aysan marnaba yeelli doonin in Puntland lagu xadgudbo.
“Gogoshii loogu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu aqbalo 20-ka bisha, hadii uu qabto, Puntland way tageysaa garteedana way ka dhiibanaysaa, laakiin haddii uu iska diido, awalba waa iska joognay, haday Soomaali tallo kale keentane, talladaas ayaa qaadanaynaa,, balse hadii tallo la goyn waayana, awalba talladeena waan heysanay” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni.
Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni oo ka hadlay mowqifkiisa ku aadan midnimada Soomaaliya
Posted by Bulshoweyn Online on Monday 12 January 2026