Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo dheeraad ah u dirtay degmooyinka Baraawe iyo Buurhakaba, kuwaas oo ka kala tirsan gobollada Sh/hoose iyo Baay.
Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo joogitaanka dowladda federaalka ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Ciidamada la geeyay degmada Buurhakaba ayaa la sheegayaa in loo diyaarinayo howlgal milatari oo la qorsheynayo in lagu qaado magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Howlgalkan ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu adkeeyo amniga iyo xakameynta xaaladda ka jirta gobolka.
Saraakiil ka tirsan dowladda federaalka oo kulamo la yeeshay ciidamadaasi ayaa ku boorriyay inay u diyaar garoobaan howlgalka la qorsheynayo.
Sidoo kale, saraakiishaasi ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka uu yahay dib-u-habeyn iyo xasilin lagu sameeyo maamulka Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowliga ah iyo sugidda amniga guud.
Dhinaca kale, afartii maalmood ee la soo dhaafay waxaa degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose la geeyay ciidamo tiro badan oo ka tirsan xoogga dalka.
Ciidamadan ayaa la filayaa in loo daadgureeyo deegaanno hore uga dhacay dagaallo, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobolka Sh/hoose, si loo xoojiyo amniga loogana hortago dib u soo noqoshada rabshadaha.
Dhaq-dhaqaaqyadan ciidan ayaa lagu tilmaamayaa kuwo kordhin kara xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid xasaasi ah, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay si dhow ula socdaan sida ay arrimuhu isu beddeli doonaan maalmaha soo socda.