Maamulka Koonfur Galbeed oo soo saaray amar culus oo lagu xakameynayo dhammaan duulimaadyada

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo saaray amar culus oo lagu xakameynayo dhammaan duulimaadyada

Wasaaradda gaadiidka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay amar culus oo lagu xakameynayo dhammaan duulimaadyada imaanaya deegaanada maamulka, iyadoo si cad u sheegtay in aan la ogolaan doonin wax diyaarad ah oo soo degta iyada oo aan haysan ogolaansho rasmi ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in dhammaan diyaaradaha doonaya inay ku soo degaan garoomada diyaaradaha ee ku yaalla Koonfur Galbeed ay khasab tahay inay helaan ogolaansho gaar ah oo ay bixiso wasaaradda gaadiidka.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo badqabka garoomada diyaaradaha, isla markaana looga hortagayo khataraha ka dhalan kara duulimaadyo aan la hubin.

“Ujeeddada ugu weyn waa in la hubiyo in garoomada diyaaradaha aysan noqon meel laga abuuro amni darro, isla markaana shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed ay helaan badbaado buuxda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, wasaaradda gaadiidka ayaa ka digtay in tallaabooyin sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarkan, iyagoo sidoo kale la caddeeyay in diyaaradaha kusoo dega garoomada maamulka iyaga oo aan haysan ogolaansho rasmi ah ay wajihi doonaan ciqaabo waafaqsan sharciga.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha duulimaadyada inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay u hoggaansamaan shuruucda iyo nidaamyada jira.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo maamulka Koonfur Galbeed uu ku doonayo inuu ku xoojiyo amniga guud, isla markaana lagu xakameeyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada duulimaadyada imaanaya deegaanada uu ka arrimiyo maamulka.