Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka-Soomaaliya

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in 1-da Agoosto 2026 si rasmi ah loo furi doono kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka, iyadoo xildhibaannada labada gole lagu wargeliyay inay kusoo laabtaan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan howlaha sharci-dejinta iyo kulamada baarlamaanka.

Qoraal kasoo baxay guddoonka baarlamaanka ayaa lagu faray dhammaan mudanayaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay si degdeg ah isu soo xaadiriyaan, si loo dardar geliyo howlaha horyaalla baarlamaanka marka uu furmo kalfadhiga cusub.

Furitaanka kalfadhigaan ayaa la filayaa in lagu doorto guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo musharixiin dhowr ah oo doonaya xilkaasi ay magaalada Muqdisho ka wadaan kulamo iyo wadatashiyo ay ku raadinayaan taageerada xildhibaannada kahor doorashada la filayo inay qabsoonto.

Tartanka xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si gaar ah indhaha loogu hayaa, maadaama xilkan uu door weyn ku leeyahay hagidda howlaha golaha, dejinta ajandayaasha sharci-dejinta iyo saameynta uu ku leeyahay jihada siyaasadeed ee dalka.

Kulamada ugu horreeya ee baarlamaanka federaalka ayaa la filayaa inay diiradda saaraan ajandayaasha horyaalla golaha iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo xildhibaannada iyo siyaasiyiintu ay si dhow ula socon doonaan loollanka hoggaanka Golaha Shacabka

Si kastaba ha ahaatee, kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka ayaa loo arkaa mid muhiim u ah marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama go’aannada kasoo baxa baarlamaanka bilaha soo socda ay saameyn ku yeelan karaan howlaha dowladda, geeddi-socodka siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka