Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, taas oo dib loogu doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo doorashadaasi ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka dalka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee horey loo gaaray.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ee dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in doorashadaasi ay tahay mid “is-magacaabid hore loo sii qorsheeyay”, isla markaana ka hor imaanaysa heshiisyadii golaha wadatashiga qaranka, xeerarka doorashada iyo dastuurka dalka.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in habka loo maray doorashada uusan ka turjumeyn rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, balse uu yahay mid lagu marin-habaabinayo hannaanka dimuqraadiyadeed.
Dowladda federaalka ayaa si gaar ah u dhaliishay sida deg-degga ah ee doorashada loo qabtay, iyadoo xustay in geeddi-socod 24 saacadood gudahood lagu soo gabagabeeyay uusan buuxin karin shuruudaha doorasho xor ah, hufan oo sharci ah.
“Habraac 24 saacadood gudahood lagu soo afjaray, oo ka fog hufnaan, tartan xor ah, iyo sharciyad, looma aqoonsan karo doorasho waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, dowladda federaalka ayaa ka digtay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imaanayso mabaadi’da dowlad-dhiska, isla markaana ay sii xoojineyso tabashooyinkii hore uga jiray Koonfur Galbeed, taasoo lagu sheegay inay dhaawici karto dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka, kuwaas oo muddo dheer la waday.
Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in aysan aqbali doonin hannaan kasta oo lagu saleeyo sharci-darro, qasab iyo musuq siyaasadeed, xitaa haddii lagu daboolo magaca doorasho, iyadoo xustay in hoggaan sharciyaddiisu sugan tahay uu ka imaan karo oo keliya rabitaanka shacabka, kaas oo lagu muujiyo doorasho xor ah, hufan oo loo siman yahay.
Ugu dambeyn, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay difaaca dastuurka, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo hirgelinta doorashooyin xor, xalaal ah oo hufan, iyadoo sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo ka tarjumaya rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.
