Guddoomiyaha baarlamaanka oo gebi ahaan diiday inuu qabto mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)

Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa gebi ahaan iska diiday inuu qabto mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mooshinkan oo ay saxiixeen 133 xildhibaan ayaa lagu soo bandhigay eedeymo iyo dhaliilo ku wajahan madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo arrimo kale oo la xiriira maamulka dalka.

Xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso walaacooda ku aaddan jihada siyaasadeed ee dalka iyo go’aamada dowladda federaalka, iyagoona sheegay inay haatan raadinayaan waddooyin kale oo sharciyeed, si ay u horgeeyaan ajendaha baarlamaanka, loogana doodo kulamada soo socda.

Go’aanka guddoomiyaha ayaa muujinaya heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya hay’adaha dowladda iyo xubnaha baarlamaanka, waxaana la rumeysan yahay inay saameyn ku yeelan karto shaqada baarlamaanka iyo xasilloonida guud ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, mooshinkaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo isla maanta magaalada Baydhabo dib loogu doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), taas oo ay dowladda federaalka si weyn uga soo horjeesatay.