Dowladda Federaalka oo u ogolaatay madaxda Puntland iyo Jubbaland inay hub lasoo galaan Muqdisho

Dowladda Federaalka oo u ogolaatay madaxda Puntland iyo Jubbaland inay hub lasoo galaan Muqdisho
Dowladda Federaalka oo u ogolaatay madaxda Puntland iyo Jubbaland inay hub lasoo galaan Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay in madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay magaalada Muqdisho yimaadaan iyagoo wata ilaaladooda gaarka ah iyo hubkooda culus, kaddib markii shalay laga joojiyay duulimaadyadoodii kusoo wajahnaa caasimadda.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu ka dhashay cadaadis xooggan oo dowladda federalka kaga yimid odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, kuwaas oo dadaal badan ku bixiyay in la dejiyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Cadaadiskaas awgiis ayay dowladda federaalku ugu dambeyn ku ogolaatay in madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay hubkooda kala soo degaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo la filayay in labada madaxweyne ay maanta soo gaaraan caasimadda ayaa haddana safarkooda dib u dhacay sababo la xiriira walaac dhinaca amniga ah, balse wararka hadda la helayo ayaa tilmaamaya inay qorsheynayaan inay Muqdisho yimaadaan maalmaha soo socda, si ay uga qeyb galaan gogosha wadatashiga qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, odayaasha dhaqanka ayaa wada dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed, iyagoo ka shaqeynaya helidda xal waara oo lagu soo afjaro khilaafka muddada dheer taagnaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ergo gaar ah u diray dhinacyada siyaasadda, kuwaas oo wadahadallo la yeeshay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, si loo xoojiyo wada-hadalka loona dejiyo xiisadda taagan

Ergada ayaa farriin ka gudbisay Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo muujineysa in Dowladda Federaalka ay garwaaqsatay qaladkii ka dhashay tallaabadii hore ee lagu hor istaagay diyaaradaha siday wafdiyo ka socday Jubbaland iyo Puntland, ayna diyaar u tahay in arrimaha noocaas ah lagu xalliyo wada-tashi.

Ugu dambeyn, tallaabadan cusub ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dejinta xiisaddii siyaasadeed ee sii xoogeysaneysay, isla markaana lagu xoojinayo wadahadalka, is-afgaradka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka, si loo dhiso jawi kalsooni iyo nabad ku wada noolaansho siyaasadeed.