Hodan Maxamuud Diiriye oo saaka xukun dil toogasho ah lagu fulinayo

Hodan Maxamuud Diiriye oo saaka xukun dil toogasho ah lagu fulinayo
Hodan Maxamuud Diiriye oo saaka xukun dil toogasho ah lagu fulinayo

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka xukun dil toogasho ah lagu fulinayo Hodan Maxamuud Diiriye, kaddib markii maxkamad ku taalla Puntland ay ku heshay inay mas’uul ka ahayd dilka gabar 14 jir ah oo lagu magacaabi jiray Saabiriin Saylaan Cabdille.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa bishii November 24-keedii soo saartay xukunka dilka ah ka dib markii lagu qancay cadaymihii iyo marqaatiyadii la hor keenay.

Xukunkan ayaa noqday mid kama dambays ah ka dib markii ay dhammaatay muddadii racfaanka, iyadoo aysan jirin cid ka doodday; hase yeeshee, Xeer-ilaalinta ayaa dalbatay in la dhaqangeliyo xukunka, waxaana amarka fulinta saxiixay madaxa Maxkamadda Sare ee Puntland.

Fulinta xukunka ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo fagaare ku yaalla magaalada Gaalkacyo, goob horay loogu fulin jiray xukunnada dilka, waxaana la sheegay in fulinta ay ka qeyb qaadanayaan dhaxlayaasha marxuumadda, iyadoo la raacayo nidaamka sharciga ee ka jira Puntland.

Sida uu sharcigu dhigayo, waxaa goobjoog ka noqon doona xubno ka tirsan garsoorka, xeer-ilaalinta, saraakiisha ciidanka fulinta, iyo ehelada marxuumadda oo iyagu fulin doona qisaasta maadaama ay yihiin dhaxlayaashii dhibbanaha.

In kasta oo fulinta xukunka loo arko mid lagu xoojinayo sarreeynta sharciga iyo caddaaladda, haddana warkan ayaa dhaliyay hadal-hayn iyo dareen kala duwan oo dhex maraya bulshada.

Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa bogaadiyay in sharcigu shaqeeyo, halka qaar kale ay walaac xooggan ka muujiyeen masiirka 13 carruur ah oo ay dhashay Hodan Maxamuud, kuwaas oo hadda wajahaya dhibaatada ah inay waayaan hooyadood.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada, iyadoo indhaha lagu hayo saacadaha soo socda iyo sida uu u qabsoomo xukunkaas.