Dowladda Jabuuti oo ka digtay saamaynta dhaqaale ee ka dhalan karta dagaallada Bariga Dhexe

Dowladda Jabuuti oo ka digtay saamaynta dhaqaale ee ka dhalan karta dagaallada Bariga Dhexe
Wasiirka maaliyadda dowladda dalka Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale

Dowladda Jabuuti ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan dagaallada iyo xiisadaha sii kordhaya ee ka socda Bariga Dhexe, iyadoo ka digtay in xaaladdaasi ay saameyn ballaaran ku yeelan karto dhaqaalaha gobolka iyo ganacsiga caalamiga ah.

Wasiirka maaliyadda ee Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay in colaadaha iyo khilaafaadka ka taagan gobolka ay keeni karaan cawaaqib dhaqaale oo culus, gaar ahaan dalalka ku yaalla Geeska Afrika ee si weyn ugu tiirsan ganacsiga iyo isu socodka badeecadaha caalamiga ah.

Wasiirku wuxuu xusay in xiisadaha ka dhex aloosan dalalka Khaliijka Carabta iyo Iiraan ay khatar ku yihiin dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka dhaqaalaha ee mara marinada muhiimka ah ee gobolka. Sida uu sheegay, haddii colaadahaasi sii socdaan ama sii fidaan, ay suurtagal tahay inay carqaladeeyaan ganacsiga iyo isku socodka badeecadaha ee u kala gudba dalalka caalamka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in xaaladdan ay si gaar ah u saameyn karto dalalka yar-yar ee dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay ganacsiga iyo adeegyada dekedaha, kuwaas oo ay ka mid tahay Jabuuti. Wuxuu sheegay in sii socoshada xiisadaha gobolka ay keeni karto hubanti la’aan dhaqaale iyo hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha.

“Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ah dal yar oo ku tiirsan ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale ee gobolka iyo caalamka, waxa ay si weyn u dareemi kartaa cawaaqib-xumada ka dhalan karta colaadaha ka socda Bariga Dhexe,” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa ku baaqay in la helo xal diblomaasiyadeed oo lagu dejinayo xiisadaha ka jira Bariga Dhexe, si loo ilaaliyo xasilloonida ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah.