Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo kulan ka yeeshay xaaladda siyaasadeed iyo muranka dastuurka

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo kulan ka yeeshay xaaladda siyaasadeed iyo muranka dastuurka
Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo kulan ka yeeshay xaaladda siyaasadeed iyo muranka dastuurka

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeenkii xalay kulan saacado qaatay ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka oo ay dhawaan ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay arrimo dhowr ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadda dalka, iyadoo labada hoggaamiye ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in laga hortago tallaabo kasta oo horseedi karta muddo-kororsi ay sameyso dowladda federaalka.

Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa sidoo kale isla gartay in loo baahan yahay dadaal wadajir ah oo lagu xaqiijinayo doorasho heshiis lagu gaaro, taas oo lagu qabto waqtigeeda si looga fogaado xiisado siyaasadeed iyo dhibaatooyin dheeraad ah oo dalka soo food saari kara.

Ugu dambeyn, labada mas’uul ayaa kulankooda ku muujiyay walaaca ay ka qabaan khilaafaadka sii kordhaya ee ku saabsan geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, iyagoo adkeeyay in xal kasta oo la gaaro uu noqdo mid ku dhisan wadatashi siyaasadeed iyo heshiis ay wada gaaraan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan doodaha iyo kala aragti duwanaanshaha ku saabsan hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka soo socda, iyadoo la filayo in wadatashiyada u dhaxeeya siyaasiyiinta iyo dhinacyada kala duwan ay door muhiim ah ka qaataan yareynta xiisadaha jira iyo helitaanka xal siyaasadeed oo lagu xaqiijin karo xasilloonida dalka.