Dowladda oo faah-faahin ka bixisay duqeymo lagu qaaday xarumaha Al-shabaab

Wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgallo duqeyn ah oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ka dhacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Howlgalladaan, oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo goobo ay kooxda Al-shabaab u adeegsan jirtay abaabulka kooxda, tababarrada iyo kaydinta hubka iyo saanadda ciidan.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in duqeymaha ay si gaar ah uga kala dhaceen deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud, halkaas oo kooxda ay ku lahayd xarumo abaabul iyo saldhigyo ay ka wadday dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Howlgalka ugu horreeyay, oo dhacay 24-kii bishaan, ayaa lagu beegsaday xarun abaabul oo Al-shabaab ku lahayd deegaanka Gayfo, waxaana weerarkaasi lala eegtay maleeshiyaad ku sugnaa goobta iyo hubkii ay halkaasi ku kaydsanaayeen.

Maalintii xigtay ee 25-ka bishaan, ayaa la fuliyay saddex duqeyn oo is xigxigay, kuwaas oo lagu burburiyay xarun tababar oo kooxda ku lahayd deegaanka Ruun Idiris, sidoo kalena duqeyn kale lagu qaaday deegaanka Cali Gaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay inay diyaarinayeen falal argagixiso.

Dowladdu waxay sheegtay in howlgaladan lagu dilay ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana lagu burburiyay agab ciidan oo ay kooxdu adeegsan jirtay, waxaana qalabka la burburiyay kamid ahaa laba gaari, saddex mooto, hub, rasaas iyo saanad kale.

Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhigga ayaa uga mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah doorka ay ka qaateen taageerada howlgaladan, iyadoo xustay in iskaashiga dhinaca amniga uu muhiim u yahay dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay in howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Natiijada Duqeymo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe