Garsooraha caalamiga ee Soomaaliyeed, Cumar C/qaadir Cartan, ayaa gaaray dalka Kuwait kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta dalkaas, Sheekh Axmed Al-Yuusuf, si uu u dhex-dhexaadiyo kulanka ugu xiisaha badan uguna saamaynta badan dhammaadka xilli ciyaareedka horyaalka dalkaasi.

Garsoore Cumar C/qaadir Cartan ayaa loo xushay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaarta adag ee u dhex-mari doonta kooxaha Kuwait SC iyo Al-Qadsiya, taas oo la qorsheeyay inay qabsoonto 29-ka Juun 2026.

Kulankan ayaa qayb ka ah wareegyada ugu dambeeya ee Zain Premier League, waxaana si weyn isha ugu haya taageerayaasha iyo bahda kubadda cagta Kuwait, maadaama uu door muuqda ka qaadan karo go’aaminta masiirka horyaalka xilli ciyaareedkan.

Garsoore Cumar ayaa markii uu gaaray dalka Kuwait, waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Kuwait, C/laahi Maxamed Sheekh, mas/uuliyiin sare oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta Kuwait iyo wakiillo matalayay shirkadda Al Shaayic, kuwaas oo muujiyay soo dhoweyn iyo qadarin gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabista Garsoore Cumar C/qaadir Cartan ee kulankaan muhiimka ah ayaa ka tarjumaya kalsoonida sii xoogaysanaysa ee ay hay’adaha kubadda cagta gobolka ku qabaan xirfaddiisa, hufnaantiisa iyo waayo-aragnimadiisa garsoornimo ee heerarka caalamiga ah.