Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo ka qeyb galay mashruuc dhagax-dhigid ah oo dhismo looga hirgelinayo xarunta degmada X/Jajab, ayaa shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay fasaxday bannaanbaxa ay mucaaradku qorsheynayaan inay maalinta berri ku qabtaan magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in maamulka iyo hay’adaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya aysan diidaneen bannaanbaxyada nabadeed ee waafaqsan sharciga, balse lagu qaban karo oo kaliya saddex goobood oo ay dowladda raali ka tahay, isagoo xusay in madaxda hore ee dalka ay mudan yihiin sharaf iyo ixtiraam.
Sidoo kale, guddoomiye Yabooh ayaa si cad u sheegay inaan la oggolaan doonin bannaanbaxyo lagu dhex qaato hub ama ay illaalo ka noqdaan kooxo hubeysan, isagoona ka digay in arrintaasi ay tahay mid khatar gelin karta amniga iyo kala dambeynta bulshada.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa haatan wada diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee bannaanbaxa, iyagoona sheegay inuu yahay mid ay ku muujinayaan aragtidooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa habeen kahor u guuray xarun cusub oo ku taalla deegaanka Mirinaayo ee degmada C/casiis, halka ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre, uu isna habeenkii xalay degay degmada Howlwadaag, taas oo sii kordhisay walwalka laga qabo in magaalada ay gasho amni xumo iyo qalalaase baahsan.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray maamulka gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka sii xoojiyeen abaabulka bannaanbaxa ay qorsheynayaan in berri lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah ku daabushay qaybo ka mid ah caasimadda, si loo adkeeyo amniga loogana hortago wax kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida.