DEG DEG: Mucaaradka oo si adag uga horyimid go’aankii dowladda ee bannaanbaxa Muqdisho

Bulshoweyn Online | Breaking News | War Deg Deg Ah

War goordhaw nasoo gaaray ayaa sheegaya in siyaasiyiinta mucaaradka ay si adag uga horyimideen hadal kasoo yeeray guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), kaas oo la xiriiray in bannaanbaxyada berri lagu qaban karo oo kaliya saddex goobood oo ay dowladda u asteysay.

Guddoomiye Yabooh ayaa hore u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan diidneyn bannaanbaxyada nabadeed, balse loo qorsheeyay saddex goobood oo gaar ah oo lagu qaban karo bannaanbaxyadaas, si loo sugo amniga iyo kala dambeynta caasimadda.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in hay’adaha amniga ay mas’uul ka yihiin ilaalinta nabadgelyada shacabka, isla markaana aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo lagu qaato hub ama ay la socdaan kooxo hubeysan, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida magaalada.

Hase yeeshee, hadalkaas ayaa si weyn uga caraysiiyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in bannaanbaxooda lagu koobo goobo gaar ah, iyagoo ku adkeysanaya in bannaanbaxu yahay mid dastuuri ah oo ka dhacaya guud ahaan magaalada Muqdisho.

Mucaaradku waxay sidoo kale ku doodeen in bannaanbaxu yahay mid nabadeed oo lagu muujinayo aragti siyaasadeed, isla markaana shacabka ay xaq u leeyihiin inay si xor ah u muujiyaan dareenkooda siyaasadeed iyada oo aan la xannibin ama la xadidin goobaha ay ku kulmayaan.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in mucaaradku ay isku kala qaybiyeen xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan kulamo iyo abaabul la xiriira bannaanbaxa ay maalinta berri qorsheeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid kacsan, iyadoona dowladda federaalka Soomaaliya ay sare u qaaday feejignaanta amniga, waxayna ciidamo dheeraad ah geysay qaybo muhiim ah oo magaalada ka tirsan, si looga hortago wax kasta oo keeni kara isku dhac ama qalalaase amni.