Dowladda oo sheegtay in lix xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Sh/hoose

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay howlgal qorsheysan ka fulliyeen deegaanka Ugunji ee gobolka Sh/hoose.

Howlgalkaasi ayaa la sheegay in lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaas ka waday abaabul ciidan iyo qorshayaal lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, howlgalkaasi ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona sidoo kale lagu burburiyay hub iyo agab militari oo ay kooxdu adeegsaneysay.

Ugu dambeyn, wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in la sii xoojin doono howlgallada joogtada ah ee lagu beegsanayo haraadiga Al-shabaab, laguna dabageli doono meel kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuuntaan.

Dowladda oo sheegtay in lix xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Sh/hoose