Dowladda Sacuudiga oo shaacisay bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan

Dowladda Sacuudiga oo shaacisay bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan

Maxkamadda sare ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in maalinta berri oo ku beegan maalin Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan, kaddib markii guddiyada qaabilsan aragtida bisha ay xaqiijiyeen bilashada bisha Ramadan.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in maanta oo ahayd maalin Talaado ay tahay maalinta ugu dambeysa bisha Shacbaan, halka maalinta xigta ee Arbacada si rasmi ah loogu dhawaaqay inay tahay maalinta 1-aad ee Ramadaan.

Sacuudi Carabiya ayaa sanad walba ku tiirsan aragtida tooska ah ee bisha, si loo go’aamiyo bilowga Ramadaan iyo ciidaha Islaamka.

Maxkamadda Sare ayaa qaabilsan xaqiijinta warbixinnada ka yimaada goobaha kala duwan ee dalka, waxaana go’aanka kama dambaysta ah lagu shaaciyaa warbaahinta rasmiga ah.

Sidoo kale, dalalka deriska la ah Sacuudiga, sida Imaaraadka Carabta iyo Qatar, ayaa iyaguna ku dhawaaqay in Arbacada ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.

Guddiyadooda aragtida bisha ayaa si madax-bannaan u xaqiijiyay bilashada, taasoo keentay in dalalkaas ay si isku mid ah u bilaabaan soonka.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaan weli shaacin bilashada bisha Ramadaan, iyadoo inta badan sugta warbixinnada aragtida bisha ama la jaanqaadda dalal kale oo Islaam ah.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo xilliga rasmiga ah ee bisha Ramadan.

Bisha Ramadaan iyo waxyaabaha qofka Muslimka looga baahan yahay

Bisha Ramadaan waa bil barakeysan oo ka mid ah tiirarka waaweyn ee diinta Islaamka, islamarkaana leh maqaam gaar ah oo ay Muslimiintu si weyn u qadariyaan, waana bil lagu waajibiyey soonka, laguna kordhiyo cibaadooyinka sida salaadaha sunnaha ah, akhrinta qur’aanka kariimka, ducada iyo xuska Alle.

Inta lagu jiro Ramadaanta, waxaa si gaar ah loo xoojiyaa samafalka iyo kaalmeynta dadka tabaaleysan, iyadoo Muslimiintu bixiyaan sadaqo iyo zakada si loo taageero bulshada nugul.

Sidoo kale, waa xilli ay qoysasku iyo bulshooyinku isku soo dhowaadaan, isla markaana la xoojiyo xiriirrada qaraabada iyo walaalnimada Islaamka.

Ramadaan waxay sidoo kale astaan u tahay is-xakameyn, dulqaad iyo toosin nafsiyeed, maadaama soonku baro qofka sabir, daacadnimo iyo ka fogaanshaha wax kasta oo dhaawici kara ruuxda iyo jirka.