DEG DEG:- Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan

Bulshoweyn Online | Breaking News | War Deg Deg Ah

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday in maalinta berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ka dib markii bisha laga arkay magaalooyin kala duwan oo dalka ka mid ah.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow ayaa goordhaw shaaciyay in maalinta berri oo Arbaco ah, islamarkaana taariikhda miilaadiyadda ku beegan tahay 18-ka Febraayo 2026, ay tahay maalinta koowaad ee soonka.

Bisha ayaa la sheegay in laga arkay magaalooyinka Jowhar, Beledweyne, iyo Muqdisho.

Sidoo kale, dalalka Sacuudiga iyo kuwa Khaliijka intooda badan ayaa caawa ku dhawaaqay in laga arkay bisha Ramadaan, taasoo micnaheedu yahay in Soonka la bilaabi doono berri.

Bishan barakeysan ayaa la filayaa inay noqoto mid xoojinaysa cibaadada, isu tanaasulka bulshada, iyo xoojinta xiriirka bulshada Islaamka ee gudaha iyo dibadda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqday inay diyaar garoobaan bilashada Ramadaan, ayna ku dadaalaan cibaadada iyo ka faa’iidaysiga fursadaha barakeysan ee bishan.