Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay booqashada wasiirka arrimaha dibada Israel ee Somaliland

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay si kulul uga hadashay soo gelitaanka sharci-darrada ah ee wasiirka arrimaha dibadda Israel uu maanta ku tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Somaliland tahay qeyb muhiim ah oo aan laga jari karin dhulka madaxbannaan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel Gideo Sa’ar ayaa maanta magaalada Hargeysa kullan gaar ah kula qaatay madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro, iyadoo Imaatinka wasiirka Israel ee Somaliland aan lagala tashan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii uu ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Nitanyahu uu Somaliland u aqoonsaday inay tahay dal ka madax-banaan Somaliya inteeda kale, iyadoona arrintaasi ay dowladda federaalka Soomaaliya si adag uga soo horjeesatay.