Fahad Yaasiin oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Fahad Yaasiin oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah agaasimihii hore ee NISA ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Fahad ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay labo kamid ah aasaasayaasha midowga Haybad, kuwaas oo ay kala yihiin madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed iyo guddoomiye C/risaaq Khaliif Axmed.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in uljeedka safarkooda uu ku qotomo inay ka qeyb-galaan shirka koowaad ee asaaska iyo daahfurka xisbiga Haybad Qaran oo 8-da bishaan Janaayo ka dhici doonna magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeeysay uu Fahad Yaasiin soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo intii uu isaga tegay kadib dib u doorashadii madaxweynaha haatan xilka kasii dhamaanaya ee Xasan Sheekh Maxamuud.