Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in howlaheeda dekedda Berbera ee Somaliland ay si caadi ah ku socdaan, islamarkaana aanu wax saameyn ah ku yeellan go’aankii ay dowladda Soomaaliya shalay ku laashay dhammaan heshiisyadii ay hore ula gashay Imaaraadka Carabta.
DP World ayaa sheegtay inay diiradda saarayso bad-baadada, hufnaanta iyo shaqo wanaagga dekedda Berbera, ayna ka shaqeynayso horumarinta ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha Somaliland iyo guud ahaan geeska Afrika.
Qoraal ay DP World u dirtay Reuters ayay ku sheegay in go’aamada siyaasadeed, wada-xaajoodyada dowladaha, iyo mowqifyada diblomaasiyadeed ay tahay in loo gudbiyo hay’adaha ay khusayso.
“DP World waxay diiradda saareysaa howlgal ammaan ah oo hufan oo dekedda ah, iyo bixinta fududeynta ganacsiga iyo faa’iidooyin dhaqaale oo ay ka helaan Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika, balse go’aamada siyaasadeed, wada-xaajoodyada dowladaha, ama mowqifyada diblomaasiyadeed waxaa mudan in loo gudbiyo hay’adaha ay khusayso.” Ayaa lagu yiri fariin ay DP World u dirtay Reuters.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay shaacisay inay gebi ahaan laashay dhammaan heshiisyadii ay hore ula gashay Imaaraadka Carabta, kadib markii ay heshay caddeymo muujinaya in Imaaraadka Carabta ay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, shirkadda DP World ayaa sida la sheegay maalgashi malaayiin doolar gaaraya ku bixisay horumarinta iyo maamulka dekedda Berbera, waxayna haatan u muuqataa mid diidan go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya.