Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si carro leh ku sheegay in Somaliland ay maanta halis weyn ku tahay dowladnimadda, wadajirka iyo wada-noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed.
Raiisul wasaare Xamse ayaa Somaliland ku eedeeyay inay horseedeyso in qeybo ka mid ah Soomaaliya ay gacanta u geliso umaddo kale, taas oo uu ku tilmaamay mid halis gelin karta jiritaanta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
“Gooni-isku-taag doonku, maanta waxa uu halis ku yahay dowladnimada, wadajirka iyo wada-noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed; wuxuu halis ku yahay in dalka qayb kamid ah bad iyo barri ummado kale loo gacan geliyo oo loogu yaboohayo sidii loo soo dajin lahaa. Arrintaas oo halis ku ah jiritaanka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana dabar-go’aya afkii iyo dhaqankii Soomaaliga oo isaguna halis ku jira” Ayaa lagu yiri muuqaal uu soo duubay ra’iisul wasaaraha oo lasoo dhigay barta X.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in si wadajir ah la isaga xureeyo cadowga islamarkaana ay illaaliyaan dowladnimada, calanka iyo nabadda, lagana wada shaqeeyo sidii la isugu soo dhawaan lahaa.
Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in wax laga badalo nidaamka siyaasiga ee Soomaaliyeed, si buu yiri loo fariisiyo qaabka doorashada iyo sidii loo heli lahaa nidaam ay dadka iyaga iskood ku dooran lahaayeen qofka ay rabaan.