Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar C/qaadir Cartan, ayaa dhex-dhexaadin doonno ciyaarta UEFA Super Cup 2026, oo dhex-mari doonto kooxaha Paris Saint-Germain (PSG) iyo Aston Villa.
Bayaan kasoo baxay xiriirka kubadda cagta ee Yurub (UEFA) ayaa lagu shaaciyay in garsoore Cumar C/qaadir Cartan uu si rasmi ah u dhex-dhexaadin doono ciyaartaasi oo 12-ka bisha Agoosto ka dhici doonta magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Cumar C/qaadir Cartan ayaa tan iyo 2018 ka mid ahaa liiska garsoorayaasha FIFA ee caalamiga ah, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah garsoorayaasha ugu fiican ee qaaradda Afrika.
Waxa uu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta garsooraha sanadka ee ragga CAF 2025, isaga oo ka mid ahaa 52 garsoore oo FIFA u xushay Koobka Adduunka 2026 ee ka dhici doona Mareykanka, Canada iyo Mexico.
Balse Cumar C/qaadir Cartan ayaa loo diiday inuu gudaha u galo dalka Mareykanka, kadib markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Miami, isagoona dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho, halkaasi oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay.