Sheekh Aadan Madoobe oo si rasmi ah u la wareegay hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed

Sheekh Aadan Madoobe oo si rasmi ah u la wareegay hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay xilka hoggaanka maamulka, kadib munaasabad xil-wareejin ah oo si weyn loo agaasimay, oo ka dhacday aqalka madaxtooyada ee magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xilka kala wareegay Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi, oo muddooyinkii ugu dambeysay xilkaas si kumeel-gaar ah u sii hayay, isaga oo sidoo kale ku wareejiyay dukumiintiyada muhiimka ah ee maamulka.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ka tirsan hay’adaha dowladda, xildhibaano, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid deegaannada maamulka.

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed
Sheekh Aadan Madoobe oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed

Hoggaamiyihii hore ee ku-meel-gaarka ahaa, Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi, ayaa u hambalyeeyay hoggaamiyaha cusub Sheekh Aadan Madoobe, isagoo u rajeeyay inuu si hufan oo caddaalad ah u hoggaamiyo maamulka, isla markaana uu sii xoojiyo nabadda iyo dowlad-dhiska Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna uga mahadceliyay hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa dadaalkii uu geliyay muddadii uu xilka hayay, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in la sii wado dhismaha hay’adaha dowliga ah, xoojinta amniga, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed

Sidoo kale, wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad ee maamulkiisa ay noqon doonto xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, nabadeynta deegaannada Koonfur Galbeed, iyo dardar-gelinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada Sheekh Aadan Madoobe iyo xilka uu maanta la wareegay ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid xasaasi ah, islamarkaana ay jiraan dooddo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.