Taliska booliska gobolka Banaadir oo hub badan kusoo bandhigay Elite Hotel ee magaalada Muqdisho

Taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi)

Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa maanta Elite Hotel ee ku yaalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay hub fara badan oo noocyo kala duwan leh, kuwaas oo ay sheegeen in laga helay gudaha hoteelka.

Hubka lasoo bandhigay ayaa isugu jiray hub culus iyo kuwa fudud, waxayna saraakiisha ammaanku sheegeen in qabashadiisu ay qayb ka tahay howlgalo amni oo lagu uruurinayo hubka sharci-darrada ah, laguna xoojinayo amniga caasimadda.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi), oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay hubka, ayaa sheegay in howl-gallada socda ay daba socdaan xogaha la xiriira hub lagu kaydinayay goobo kala duwan oo ku yaala Muqdisho.

Taliska booliska gobolka Banaadir oo hub badan kusoo bandhigay Elite Hotel ee magaalada Muqdisho

Sida uu sheegay taliyuhu, howlgalada lagu uruurinayo hubka sharci-darrada ah ayaa sii socon doona, iyadoo hay’adaha ammaanku ay ka go’an tahay in laga hortago hub kasta oo loo adeegsan karo falal wax u dhimaya amniga iyo xasilloonida magaalada.

Taliyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in aan loo oggolaan doonin shaqsiyaad ama kooxo inay hub sharci-darro ah ku kaydsadaan guryaha, xarumaha ganacsiga ama goobaha kale ee gaarka loo leeyahay, isagoo xusay in tallaabooyin adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo hub aan sharciyeysneyn.

Taliska booliska gobolka Banaadir oo hub badan kusoo bandhigay Elite Hotel ee magaalada Muqdisho

Dhinaca kale, taliye Mahdi ayaa sheegay in howlgalka laga fuliyay Elite Hotel uu kusoo dhammaaday si nabad ah, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyay inta uu howlgalku socday in aan waxyeello loo geysan shaqaalaha iyo ilaalada hoteelka, isagoo tilmaamay in ciidamada ammaanku ay si waafaqsan sharciga u gutaan waajibaadkooda.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka ay sare u qaadeen dadaallada lagu sugayo amniga Muqdisho, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay la soo bandhigay hub kale oo dowladda sheegtay in laga soo qabtay kooxo lala xiriiriyay rabshado iyo falal amni darro oo ka dhacay degmooyinka Howlwadaag iyo C/casiis ee gobolka Banaadir.