Golaha deegaanka Hargeysa oo xilka ka qaaday Maayir C/kariin Axmed Mooge

Golaha deegaanka Hargeysa oo xilka ka qaaday Maayir C/kariin Axmed Mooge

Golaha deegaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta xilkii ka qaaday maayirkii caasimadda Somaliland, C/kariin Axmed Mooge, iyo ku xigeenkiisii Khadar Axmed Cumar, kadib khilaaf muddooyinkii dambe ka dhex jiray xubnaha golaha deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in sagaal xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa ay u codeeyeen xil ka qaadista labada mas’uul, iyagoo ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo arrimo kale oo la xiriira habsami u socodka shaqada maamulka degmada.

Kadib codbixinta, golaha deegaanka ayaa si rasmi ah maayirka cusub ee Hargeysa ugu doortay C/risaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), halka xilka maayir ku-xigeenka loo doortay Aadan Cabdi Jaamac (Mideeye), kuwaasi oo dhammaantood hore uga tirsanaa xubnaha golaha deegaanka caasimadda.

C/kariin Axmed Mooge ayaa xilka maayirka Hargeysa loo doortay 17-kii Juun 2021, kadib markii uu helay codkii ugu badnaa ee golaha deegaanka, isagoo xilligaasi ka socday xisbiga mucaaradka ahaa ee Xisbiga Waddani.

Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadistan ayaa kusoo aadeysa xilli siyaasadda Somaliland ay wajahaysay muranno iyo isbedello la xiriira maamulka goleyaasha deegaanka iyo loollanka siyaasadeed ee xisbiyada.