Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyo Danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya, Cabdalla Bin Salim Al-Nuaimi, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta keydka daawada ee gobolka Banaadir.

Xaruntan cusub ayaa loo dhisay si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka iyo nidaamka keydinta iyo qaybinta dawooyinka ee caasimadda, iyadoo la filayo inay door muhiim ah ka qaadato horumarinta adeegyada caafimaad ee bulshada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka

Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, C/rahman Axmed Maxamuud, oo ugu horreyn ka hadlay munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa sheegay in xaruntani ay si weyn u fududeyn doonto helitaanka dawooyin tayo leh, islamarkaana si hufan loogu qaybin doono xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka

Dhankiisa, Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar iyo hay’adaha samafalka ee dalkaasi taageerada joogtada ah iyo doorka ay ka qaateen hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa xusay in xarunta keydka daawadu ay kamid tahay mashaariicda muhiimka ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka

Sidoo kale, Danjiraha Dowladda Qatar, Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi, ayaa munaasabadda ka sheegay in dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada istiraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee la xiriira adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarun lagu keydiyo daawooyinka

Danjiraha ayaa tilmaamay in iskaashiga sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Qatar uu saldhig u yahay horumar waara, kobcinta adeegyada bulshada iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo xarumaha caafimaadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.