War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilhaynta hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan baarlamaanka federaalka iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Goluhu wuxuu caddeeyay inay si buuxda uga soo horjeedaan tallaabo kasta oo horseedi karta muddo kororsi, iyagoo xusay in arrintaasi ay si toos ah uga hor imaaneyso qodobbada ku cad dastuurka KMG ee dalka laga ansixiyay sanadkii 2012-ka.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dastuurka KMG uu dhigayo in muddada xilhaynta baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku eg tahay 14-ka bisha Abriil 2026, halka muddada xilhaynta madaxweynaha Soomaaliya ay ku egtahay 15-ka bisha May 2026.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyay in ilaalinta dastuurka iyo qabashada doorashooyin ku dhaca waqtigooda ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo xasilloonida siyaasadeed iyo kala dambeynta dowladeed.
Dhinaca kale, goluhu wuxuu uga digay hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta khilaaf siyaasadeed ama muddo kororsi, taas oo ay sheegeen inay halis gelin karto amniga iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan marayso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo u baahan hoggaan leh mas’uuliyad qaran, dulqaad iyo go’aan mideeya shacabka, si loo xoojiyo xasilloonida dalka loona ilaaliyo midnimada iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

