Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa si kulul uga hadlay saxiixa nuqulka dastuurka cusub ee uu maalintii shalay saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku tilmaamay tallaabo sharci darro ah oo halis gelin karta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in saxiixa uu madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaqaaqay uu ka hor imaanayo habraacyada ku xusan Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee dalka, isla markaana horseedi karo kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid bulsho intaba.
“Tallaabada uu qaaday madaxweynaha uu muddo-xileedkiisu dhammaanayo Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan saxiixa dastuurka uu samaystay waxa ay xoojinaysaa khatarta ku gadaaman dowladnimada dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed,” ayuu war-saxaafadeedka ku sheegay Farmaajo.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxweynaha xilka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud inuu dib uga laabto go’aanka saxiixa dastuurka, islamarkaana uu diiradda saaro qabashada doorasho qaran oo loo dhan yahay, taas oo ku qabsoonta waqtigeeda kuna salaysan nidaamka iyo shuruucda ay isku waafaqeen dhinacyada siyaasadda.
“Saxiixa sharci darrada ah ee uu sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka hor imaanayaa habraacyada uu qeexayo dastuurka ku-meel-gaarka ah, waxa uuna kala qaybinayaa ummadda Soomaaliyeed, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa inuu kusoo laabto jidka heshiiska lagu yahay, muddada kooban ee u dhimanna uu ku qabto doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku qabsoonta, kuna salaysan habraacyada iyo shuruucda la isla oggolyahay,” ayuu Farmaajo ku yiri war-saxaafadeedka.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedkaan uu soo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah u saxiixay nuqulka dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaas oo ay hore u ansixiyeen labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
