Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada Hawiye oo kulan wadatashi ku yeelan doono Muqdisho

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxda maamul goboleedyadda Puntland iyo Jubaland

Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland, ayaa qorsheynaya in goordhaw kulan la yeeshaan xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Kulankan ayaa looga golleeyahay in laga wada hadlo xaaladda siyaasadeed ee kacsan iyo sidii xal looga gaari lahaa hannaanka doorasho ee dalka.

Inta badan xildhibaanadaan oo itaageersan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inay soo bandhigaan aragtiyahooda ku aaddan heshiisyada siyaasadeed iyo xasilinta geeddi-socodka doorashada.

Madaxweyne Saciid C/laahi Deni ayaa dhawaan xusay inay muhiim tahay in lasoo bandhigo xildhibaanadii hore ee ka qeybgalay ololihii codbixinta ee 2022-kii, kuwaasoo qaar ka mid ah qaba walaac ku saabsan mustaqbalka siyaasadda dalka.

Dhowr habeen kahor qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u cadeeyay inay muhiim tahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo ay dhinacyadu wada aqbalaan, si loo xalliyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo labada dhinac ay dadaal ugu jiraan sidii loo heli lahaa doorasho heshiis lagu yahay, midnimo iyo xasillooni siyaasadeedna ka tarjumeysa.