Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ku yeeshay kulankoodii 17-aad ee wadajirka ah, iyagoo soo gabagabeeyay ka doodista cutubka 6-aad ee Dastuurka KMG.
Kulankan ayaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana ku wehliyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, C/laahi Cumar Abshirow, iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare, C/laahi Xirsi Timacadde.
Mudanayaasha labada Aqal ayaa si faahfaahsan uga dooday qodobada ka harsan cutubka 6-aad, iyagoo la wadaagay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan maamulida iyo xeerarka dastuuriga ah ee dalka.
Kulankan ayaa lagu soo gaba-gabeeyey in cutubka 6-aad la dhameystiro, iyadoo sidoo kale la isla gartay in dooda cutubka 7-aad la bilaabi doono kulanka xiga.
Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa sheegay in qorshuhu yahay in mudanayaasha labada Aqal ay si wadajir ah uga doodi doonaan dhammaan cutubyada dastuurka, si loo hubiyo in dib-u-eegista Dastuurka KMG ay noqoto mid dhameystiran oo waafaqsan rabitaanka shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa sidoo kale muujinaya sida Baarlamaanka uu uga go’an yahay in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka uu noqdo mid hufan, islamarkaana lagu gaaro heshiis ay wada aqbalaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.