Golaha wasiirrada oo agaasime cusub u magacaabay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ay ku ansixiyeen magacaabista agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, isla markaana xilka kaga qaaday agaasimihii hore ee hay’adda, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Kulankaasi oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu magacaabay Xuseen Khaasim Yuusuf inuu noqdo agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amniga dalka, gaar ahaan howlgalada ay ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ka wadaan gobollada dalka, kuwaas oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan arrimaha deegaanka iyo dadaallada dhir-beerista, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha dowladda ee ilaalinta deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada ayaa ansixiyay xeer-nidaamiyaha cafiska guud, kaas oo ay Golaha u soo gudbisay wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, si loo dhaqan geliyo habraacyada la xiriira cafiska guud ee dowladda.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa darajada safiirnimo u dalacsiiyay Nuur Maxamuud Sheekh, kaddib soo jeedin ka timid wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.