Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhammaadka muddada baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo jihada uu u socdo hannaanka doorashooyinka.
Goluhu ayaa sheegay in 14-ka Abriil 2026 uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii baarlamaanka federaalka, taasoo ay ku tilmaameen inay dalka gelisay xaalad firaaq dastuuri ah oo u baahan xal degdeg ah.
Sidoo kale, golaha ayaa si adag u dhaleeceeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay inuu si ula kac ah u abuuray hubanti la’aan siyaasadeed oo saameyn ku yeelatay kalsoonida nidaamka dowladnimada.
Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqibka ka dhalan kara muddo-kororsi, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay diidaan doorasho hal dhinac ah, kaddib markii uu fashilmay hannaankii wadatashiga ee horey loogu heshiiyay.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku adkeystay in xaaladda taagan ay u baahan tahay xal siyaasadeed oo degdeg ah oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhammaan dhinacyada si looga hortago khilaaf iyo qalalaase siyaasadeed oo sii fida.